U bood dhigaalka

SONSA Oo Dowladda Ugu Baaqday ilaalinta Xuriyadda Hadalka iyo Insaanka, Lana Baaro Tacadiyadii Baydhabo

Sheeko:Amniga

kulan ay yeesheen  xubno ka socda ururada bulshada rayidka, ganacsatada iyo xirfadleeyda ee ku mideysan dallada bulshada rayidka  ee SONSA oo horay loo oran jiray SOCENSA , waxa ay ka walaacsanyihiin  xaaladaha ku gadaaman xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafyada ka dhex jira Dowlada Federaalka iyo Maamul Gobaleeyada & wada shaqayn la’aanta  Dowlada Federaalka iyo Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobay(UNSOM).

Dallada oo ka duulaysa ixtiraamida madax banaanida iyo karaamada Dalka , una  kuurgalaysa saamaynta ay keeni karto khilaaf iyo jahwareer saamayn ku yeealan kara dhismaha, xasiloonida  iyo horumarka Dalaka.

Dalladu , waxa ay adkeyneysaa, soona  jeedinaysaa talooyinkaan hoos ku xusan;

  • Iydoo Dalku hiigsanaayo horumar, waxaa laga maarmaan ah  in khilaafyada siyaaseed ee wax u dhimi kara xasiloonida iyo horumarka dalka lagu dhameeyo wadahadal iyo is faham.
  • Bulshada rayidka ah waxaa ay aaminsantahay in ay yaraanayaan fursadaha muwadiniinta Soomaaliyeed ku cabiri karaan fikradahooda si xor ah, waxa ayna u arkaan in ay waajib tahay in la balaariyo fursadahaas si ka qayb galka dhismaha wadanka uga qaataan kaalin  fir fircoon
  • Dowlada Federaalka iyo Maamul Gobaleeyada Dalka waa in ay ixtiraamaan saraynta sharciga, xuquuqul insaanka iyo xoriyaadkaa muwaadininta Soomaaliyeed, ayna soo dhaweeyaan aragtiyada iyo dhaliilaha wax dhisaya
  • Dowlada Federaalka, Maamul Gobaleedyada iyo Mucaaradka aan hubeysanayn , waxaa waajib ku ah  in ay la yimaadaan nidaam  horseedaya xasilooni siyaadeed oo ku dhisan dulqaad iyo isla xisaabtan.
  • Bulshada rayidka ah waxa ay u argataa laga maarmaan in la magacaabo  guddi madax bannaan oo  soo baara tacadiyada lidka ku ah xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay ee ka dhacay Baydhabo iyo Baardheere, lalana xisaabtamo cid kasta oo ka dambeysay.
  • Ugu dambeyntii Dalladdu waxa ay  usoo jeedinaysaaMaamul Gobleedyada Dalka in ay ixtiraamaan madax banaanida iyo karaamada Dalka iyaga oo dhowaraya Dastuurka iyo shruucda kale ee Dalka u yaala.

Goobjoog News