U bood dhigaalka

Soomaali Badan Oo Biyo La’aan Ku Hayso Magaalada Sanca Ee Dalka Yemen

Sheeko:Dalka

Dalka Yemen oo dagaallo ay ku socdaan waxaa ku sugan muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo dhibaato xoogan ay xilligaan hayso.

Magaalada Sanaca waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah, waxaana xilligaan lasoo sheegayaa in ay soo wajahday Biyo la’aan, ka dib markii ay xirmeen ceelashii biyaha siin jiray dadkaasi.

Dahabo oo ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool ayaa u sheegtay Goobjoog News, in xaaladda dadka ay tahay mid u baahan gurmad, sababtuna waxa ay ku sheegtay in aan la noolaan karin biyo la’aantood.

Dhinaca kale Dahabo ayaa sheegtay in sidoo kale magaalada Sanca aanay ka jirin wax koronto ah, islamarkaana dadka qaar laga saaray guryahii ay deganaayeen.

Sidoo kale magaalooyinka qaar ee dalkaasi la’iskuma gudbi karo dagaallada oo socda awgood, waxaana meelaha qaar ka dhacday duqeyn xagga cirka ah.

Inta ay u suurta gashay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen ku sugneed naftooda ayeey lasoo baxsadeen, inta kalena waxaa dadaalkooda wada Soomaalida kale ee dalka Joogta iyadoo Mukalla uu ku xirtay Markabkii dadkaasi lagu soo daabuli lahaa.

Goobjoog News