U bood dhigaalka

Soomaali Badan Oo Buux Dhaafiyay Magaalada Mukalla Si Ay Dalkooda Ugu Soo Laabtaan

Sheeko:Dalka

Qoysas Soomaaliyeed oo doonaya in ay kasoo baxaan wadanka Yemen ayaa buux dhaafiyay magaalada Mukallah oo laga soo raacayo Doonyo iyo Maraakiib.

Mid kamid ah dadka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Mukalla laguna magacaabo Cabdullaahi Siyaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in dadka soo baxaya ay yihiin kuwa dadkooda dibadda jira lacago ka helay, wuxuuna qiray in ay jiraan dad badan oo weli sugaya ballanqaadyadii ay sameysay dowladda dhexe.

Wuxuu tilmaamay in aysan caadi ahayn xaaladda qoysaska Soomaaliyeed ee wadanka Yemen ku dhaqan, kuwaas oo xilliyada qaar aan heli Karin wax ay cunaan mar marna duqeymaha ay ku waxyeeloobaan.

Cabdullaahi Siyaasi ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba uu ugu baaqayo in laga soo gaaro dadkaasi oo u muuqda kuwa maalinba maalinta ka dambeysa dagaallada ay saameynayaan.

Wixii ka dambeeyay markii dalka Yemen ay ka qarxeen dagaallada, waxaa isa soo taraya dhibaatada haysa dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Goobjoog News