U bood dhigaalka

Soomaali Cudurka Indha-caseeyaha Ugu Geeriyootay Dalka Angola

Sheeko:Caafimaadka

Ugu yaraan 180 qof oo 12 ka mid ah ay Soomaali yihiin ayaa Dalka Angola ugu geeriyooday cudurka loo yaqaano Indha-caseeyaha (Yellow Fiver ).

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO 450 qof ayuu cudurkaan asiibay illaa iyo December 2015 xilligaas oo dalka Angola ka dillaacay.

Axmed Sheekh Nuur  oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Angola ayaa u sheegay Idaacadda BBC in tiro badan oo Soomaali ah ay u geeriyoodeen cudurkaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhowr qof oo cudurkaan la xanuunsaya ay dib ugu soo laabteen bariga Africa sida Soomaaliya iyo Kenya.

“Dhowr iyo Toban qof oo Soomaali ah ayaa cudurkaan u geeriyootay, halka dhowr ka mid ah oo cudurka soo ritayna ay dib ugu laabteen wadamada Bariga Africa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Cudurkaan ayaa la sheegay in muddo 30 sano ah kadib inuu dib uga dillaacay magaalada Caasimadda ee Luanda, uuna ku fiday Lix ka mid ah 18-ka gobol ee dalkaasi.

Hay’adda WHO ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in 5.7 Milyan oo dad ah laga tallaalay cudurkaan inkastoo caalamka ay ka jirto yaraansho dhanka tallaalka cudurkaan ah.

Bar ka mid ah dadka uu cudurka ku dhaco ayaa la sheegay inay ku dhiman karaan hadii aanan si dhaqso ah looga daaweyn.

Cudurkaan waxaa faafisa kaneeco, taas oo loo yaqaano Aedes aegipti, sidoo kale noocan kaneecada ah ayaa waxay siddaa Virus la yiraahdo Zika.

Goobjoog News