U bood dhigaalka

Soomaali Dil Loogu Gaystay Koonfur Afrika

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dil laba wiil oo Sooomaali ah xalay loogu gaystay gooba ganacsi oo ay ku lahaayeen deegaanka Strand oo u dhaw magaalada Cape town ee dalka South Africa.

Dilkaan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxa burcad koonfur afrikaan , kuwaas oo doonayay in ay dhac u gaystaan labada marxuum ee la dilay.

Labada marxuum ayaa lagu kala magacaabayay Cabdirashiid Axmed Sheekh Muxuddiin iyo Mowliid Axmed Cadde, waxaana ay kamid ahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku ganacsada gudaha dalka South Africa.

Koonfur afrika ayaa inta badan waxaa dilal iyo dhac loogu gaystaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas u ganacsi taga, xilli aysan laamaha ammaanka dalkaas aysan waxba qaban falalka soo noqnoqday ee lagula kaco dhalinyarada Soomaalida.

Goobjoog News