U bood dhigaalka

Soomaali Go’doon Ku Ah Dalka Yemen

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa sheegay in ay jiraan muwaadiniin badan oo go’doon ku ah deegaanno ka mid ah Yemen.

Maxamed Cilmi Yuusuf oo wax ka barta Magaalada Sanca ayaa u sheegay Goobjoog News in dhowr magaalo uu ka soconayo dagaallo, ayna jiraan Soomaali garan la qaabka ay magaalooyinkaasi uga soo baxaan.

Qoysaska Soomaaliyeed ayuu sheegay in aysan cidi u maqnayn oo ay ku dayacan yihiin wadan shisheeye oo colaado ay ka jiraan.

Dadka qaar waxa uu sheegay in aysan heli karin wax ay cunaan iska daa qarash ay kaga soo baxaan wadankaasi oo xiliyada qaar ay ka dhacayaan dagaallo iyo duqeymo ba’an.

Maxamed Cilmi ayaa dhinaca kale sheegay in dadka ugu nugul ay yihiin dadka waayeelka ah oo iyagu hadda ah kuwa ugu daran.

Goobjoog News