U bood dhigaalka

Soomaali Kasoo Carartay Dagaallada Yemen Oo Kusoo Wajahan Boosaaso

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmad qaxootiga Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalka Yemen ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News, in maanta oo Arbaco ah magaalada Boosaaso ay kusoo wajahanyihiin Soomaali badan oo kasoo cararay dagaallada ka socda Yemen.

Dadkaan ayaa tiro ahaan waxaa naloogu sheegay in ay ka badan tahay Kun qof, waxaana saacadaha soo aadan ay imaan doonaan magaalada Boosaaso.

Muwaadiniintaan ayaa doonida wada waxa ay kasoo baxday Yemen, iyadoo la sheegayo in dadkaan ay u badan yihiin Haween, Caruur iyo dad kale oo da ah, kuwaasi oo qaarkood ay xanuunsanayaan.

Dekadda Magaalada Boosaaso waxaa kusii sugan guddiga gurmadka ah ee dadka kasoo cararay dagaallada Yemen, waxaana sidoo kale halkaasi la geeyay gaadiidka gurmadka degdega ah si dadka xanuunsan loogu qaado.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News