Soomaali Kasoo Carartay Dagaallada Yemen Oo Kusoo Wajahan Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa maanta kusoo wajahan doon hor leh oo wada muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda wadanka Yemen.

Dooni lagu magacaabo Sultan ayaa la sheegayaa in ay maanta kasoo amba bixi doonto dalka Yemen, waxaana ay kusoo xiran doontaa magaalada Boosaaso, waxaana doonidaan saaran 2-kun oo qof.

Mustaf Maxamed Nuur Baana oo ah xiriiriyaha xaeunta gurmadka ah ee magaalada Boosaaso ayaa u sheegay Goobjoog News in dadkaan loo diyaar garoobay sidii loogu soo dhaweyn lahaa magaalada Boosaaso.

Baana ayaa dhinaca kale sheegay in maanta ay magaalada Boosaaso kasoo amba bixin doonaan shacab badan oo shalay soo gaaray magaaladaasi, kuwaasi oo ka mid ah dadkii ka yimid magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso waxaa ku sugan qoysas badan oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, waxaana dadkaasi ay u baahan yihiin gurmad xoogan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW