U bood dhigaalka

Yeman: Soomaali ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Yeman

Sheeko:War

War naga soo gaaray Magaalada Sanca ee Dalka Yeman ayaa sheegaya in qarax sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Duleedka Magaaladaasi , qaraxa ayaa waxyeello gaarsiiyay Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku sugaa Dalkaasi.
Lix qof oo Tahriibayaal Soomaali ah ayaa dhintay tiro kale oo intaa ka badana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, kadib markii gawaari ay ku safrayeen uu haleelay qarax ku aasnaa wadada dhinaceeda.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso, kaasoo haleelay labo bas ay ku safrayeen tahriibayaal Soomaali ah oo ku sii jeeday Dhinaca iyo Dalka Sacuudiga , dhimsahda iyo dhaawac Soomaalida soo gaaray kasokoow waxaa jira dad kale oon la heyn nolol iyo geeri iyo kuwa miirdoorsoomay.

Yeman waxaa ka dhaca Dagaalo u dhaxeeya Qabaa’il iyo Ururo diimeed iyana la dagaalama Dowlada Dalkaasi , waxa ayna waxyeelo u geestaan dagaalada Dalkaasi ka dhaca Soomaalida qaabka qaxootiga ugu nool iyo kuwa qaabka Tahriinta ah ku aada.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Yeman kadib qaraxan.

Yeman ayaa kamid ah dowladaha Mareykanku uu sheegay inay ku nool yihiin qolyaha uu ku tilmaamo argagaxisada.