U bood dhigaalka

Soomaali Ku Xirneyd Xabsi Ku Yaala Dalka Masar Oo Dib u Helay Xuriyadooda

Sheeko:Dalka

xabsiMuwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa Xabsi ku yaala dalka Masar ayaa dib uhelay xuriyadooda ka dib dadaal ay sameysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Dadkaan Soomaalida ah ee xirnaa ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay 15 qof, waxaana markii la qabanayay qaarkood ay ahaayeen kuwo damacsanaa in halkaasi ay ka tahriibaan.

Waxa ay dadkaan xabsiga ku xirnaayeen qaarkood ilaa Sedax Bil, halka kuwo kalena Todobaad ay halkaasi ku jireen.

Hay’adda UNHCR ayaa dadkaasi u qabatay qareeno u dhashay dalka Masar, dood iyo dacwad ka dibna waxaa suurta gal noqotay in dadkaan lasii daayo.

Sidoo kale waxaa halkaasi laga sii daayay dadkale oo iyaguna ajaaniib ah, islamarkaana ka mid ahaa dadka tahriibka ah, balse wadamadooda iyo tiradooda lama shaacin.

Goobjoog News