U bood dhigaalka

Soomaali lagu qabtay xadka dalalka Koofur Afrika iyo Muzambiig

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo dalka Muzanbiig ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhibaataysanyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo ciidamada dalkaasi ay ka qab qabteen soohdimaha ay wadaagaan dalalka Koonfur Afrika iyo Muzanbiig.

Dadkan waxa ay isugu jiraan wiilal iyo gabdho kuwaas oo damacsanaa in qaab tahriib ahaan ah u galaan dalka Koonfur Afrika oo Soomaali badan ganacsi ay ku leeyihiin.

Ciidamada ilaalada xuduuda dalka Muzanbiig ayaa gacanta ku dhigay dadkan Soomaaliyeed, kuwaas oo xilli habeen ah ka gudbayay soohdinta labada dal ay wadaagaan.

Waxa ay dalbayaan hada dadkani in dowladda Federaalka ay ka qayb qaadato sidii loo sii dayn lahaa maadama ay sheegayaan in xaalad adag ay ku wajaheen xabsiga.

Wariye lagu magacaabo Maxamed Bagaf ayaa booqday dadkani oo ku jira xabsiga dhexe ee dalka Muzanbiig.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Bagaf: