Soomaali Lagu Xirey Jasiiradda Malta

Ciidamada Booliiska Jasiiradda Malta ayaa lagu soo waramayaa iney Xireen Labo nin oo Soomaali ah, kuwaasi oo ku edeysan iney dambi ka galeen dalkaasi.

Howlgal ay ciidankaan sameeyeen ayaa lagu soo qabtay raggan, waxaana la sheegay iney ku eedeysan yihiin in fal xatooyo ah ay sameeyeen, lana baarayo.

Ragga la xirey ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Shaban Aadan Jaamac oo 21-sano jir ah iyo sidoo kale Maxamed Xabiib Xaashi oo isna 22-sano jira.

Raggan ayaa la tilmaamay iney dhaceen alaab uu watey dalxiise u dhashay Ruushka oo halkaasi ku sugnaa, kadibna ay baxsadeen, balse baaritaan ay sameeyeen ciidamada ammaanka ay suuragashay in lasoo qabto.

Malta waxaa ku xiran Soomaali badan kuwaasi oo loo haysto dambiyo kala duwan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW