U bood dhigaalka

Soomaali Lala Xiriirinayo Al-shabaab Oo Lagu Maxkamadeynayo Jarmalka

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa lasoo taagey muwaadin Soomaaliyeed oo la sheegay inuu ka tirsanyahay Xarakada Al-shabaab, islamarkaana maleegayey weeraro ka dhaca dalkaasi.

Xeer ilaalinta maxkamadda Federaalka ee dalkaasi ayaa ku eedeysay Abshir Axmed in uu horey u tagey Soomaaliya islamarkaana uu tabobar kasoo qaatey Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale xeer ilaalintu waxay sheegtay in Abshir uu doonayey inuu ka dhoofo mid kamid ah garoomada diyaaradeed ee ku yaalla dalkaasi, balse ay ciidanka soo qabteen kahor inta aanu bixin.

Ehlada Abshir  Axmed ayaa diiddan eedeynta loo soo jeediyey wiilkooda, waxaana ay tilmaameen in marnaba aanu wax wada shaqeyn ah,  ama xiriir la yeelan Xarakada Al-shabaab.

Maxkamadda weli go’aan ma aaney gaarin, baaritaanno dheeraad ahna waa lagu wadaa muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

Sidan oo kale dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa lagu xiray dalal kamid ah Yurub iyo Ameerika, waxaana lagu eedeeyey iney xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Goobjoog News