U bood dhigaalka

Soomaali Loo Xiray Dilka Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka UK

Sheeko:Amniga

Booliiska dalka UK ayaa xabsiga u taxaabay nin Soomaali Biritisha ah, kaas oo la tuhunsan yahay in uu ka dambeyay dilka Sir David Amess,  oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka.

Xildhibaanka ayaa shalay weerar loo adeegsaday Middi (Toorey), waxaa ku soo qaaday qof aan la aqoonsan heystiisa marki hore.

Booliiska gobalka Essex, ayaa kadib baaritaanno ay sameeyen waxa ay gacanta ku soo dhigeen nin heysta dhalashada boqortooyada Ingiriiska balse la sheegay in asal ahaan uu ka soo jeedo Soomaaliya.

Xildhibaan Sir ayaa xilliga dilka uu dhacayay waxa uu kulan la laha dadka ka soo jeeda gobalka Essex, oo ah gobalka laga soo dortay, Kulanka ayaana ka dhacayay goob kaniisad ah oo ku taalla bartamaha Essex.

Ra’iisul wasaaraha UK Boris ayaa dhankiisa tilmaamy in Mr Sir uu ahaa qof naxariis badan xilli uu ka tacsiyadeynayay geerida Xildhibaanka.

Laamaha ammaanka dowladda UK ayaa weli wada baaritaanno ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa dhacdada lagu dilay xildhibaanka.

Wasiirka Amniga UK ayaa durba amray in Booliiska ay adkeeyaan ammaanka xildhibaanada dalka oo dhan, si looga hortago falalka noocan ah.

Sir ayaa noqonaya xildhibaanki labaad ee muddo shan sano gudaheed ah lagu dilo UK,  waxaana ka horeyay xildhibaanad Jo Cpx oo ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga shaqaalaha.

Goobjoog News