Soomaali Loo Xirey Weeraro Ka Dhacay Canada

Saraakiisha ammaanka Canada ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin Soomaali ah kaasi oo lala xiriirinayo weeraro ka dhacay magaalada Edmonton oo ay ku waxyeeloobeen ku dhawaad shan qof.

Ninkaan Soomaaliga ah oo aan wali magaciisa la sheegay ayaa waxaa lagu sheegay da’diisa 30 sano jir waxaana looga sha kisanyahay inuu dhawaacay nin boolis ah iyo afar qof oo kale maalintii Sabtida aheyd.

Ra’iisulwasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa dhacdadaan waxaa uu ku tilmaamay weerar argagixiso.

Mas’uuliyiinta magaalada Edmonton waxay tilmaameen in ninkaan eedeysanaha ah la xiriirinayo fulinta howlo argigixisinimo iyo isku day dil oo kas ah.

Mas’uuliyiinta waxaa ay intaas ku dareen in ninkaan Soomaaliga ah ay yaqaanaan ciidamada booliska.

Ciidamada ammaanka ayaa ninkaan gaarigiisa waxay ka dhex heleen calanka madow oo ay isticmaalaan kooxaha Daacish.

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW