U bood dhigaalka

Soomaali Qabow Ugu Geeriyootay Xadka Turkiga iyo Gariigga!

Sheeko:Amniga

Booliiska dalka Turkiga ayaa xaqiijiyay geerida laba dhalinyaro Soomaali ah kuwaas oo qabow dartii ugu dhintay xadka dalka Turkiga uu la wadaago dhiggiisa Gariigga.

Wiilasha dhintay ayaa ku sugnaay afaafka hore ee xadka labada dal, waxaana labada wiil ee dhintay lagu kala magaacaba Yaxye iyo Abuubakar.

Dowladda Turkiga ayaa horay ugu eedeysay in saraakiisha Gariigga ay dadka muhaajiriinta ah dib ugu soo celiyaan xuduudka, xilli uu jiro qabow daran.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale 12 qof muhaajiriin ah ay xadka labada dal ugu geeriyoodeen qaboow dartiis.

Dadkaan ayaa ka soo barakacay dalal ay kamid yihiim Siiriya, Soomaaliya, Lubnaan, Yemen iyo kuwa kale, kuwaas oo ay ka jiraan colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Goobjoog News