U bood dhigaalka

Soomaali Sheegtay In Uu Wakiil U Yahay Shiicada Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Sheeko:Amniga

Maxfalka Shibis ee magaalada Muqdisho oo maanta lagu qabtay xuska munaasibadda dhalasha Rasuulka ayaa maanta lagu qabtay nin Soomaali ah oo wata calanka Shiicada.

Ninkan la qabtay ayaa ka soo dhax muuqday munaasibad culimada maxfalka ay ugu dabaal dagayeen weyneynta maalinta uu dhashay Nabi Muxamed NNKH.

Qofka la qabtay oo sitay calanka Shiicada ayaa sheegay in uu wakiil u yahay dadka shiicada ah ee ku sugan Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la arko dad Soomaali ah oo sheganaya in ay yihiin shiico, tira dhowr jeer oo hore ah ayaa loo arkay dad sheegtay in ay ka tirsan yihiin shiicada.

Goobjoog News