U bood dhigaalka

Soomaalida iyo Canfarta oo Ku Dagaalamaya Qeybo Kamid ah Gobolka Siti

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa uu sheegayaa in markale uu dib uga qarxay magaalada Asbuli dagaal xooggan oo u dhaxeeya  Soomaalida iyo xoogagga kale ee Canfarta ah.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa in uu yimid kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Cafarta ay soo weerareen magalaada oo ay ku sugnaayeen Soomaali, uu halkaas ka qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya labada dhinac.

Magaalada Asbuli  ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka Soomalaida ee Liyuu Booliiska, dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyada.

Dagaalkan maanta ayaan wali la ogaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, iyadoo ay adag tahay in ilo madax banaan, maadama ay aad u adag tahay helista xogaha dhabta ah ee ku aadan dagaalka ka dhacaygobolka  Siti.

Ciidamada dowladda Federalka Itoobiya ayaa marweliba waxaa lagu eedeeyaa in ay qeyb ka yihiin dagaalka iyaga oo inta badan la sheego in ay la saftaan ciidanka Liyuu Booliis  sida dhowr jeer uu sheegay Ugaas Beesha Ciisaha.

Dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa inta badan ka dhaca gobolka Siti, ayaa waxaa ka dhasha khasaare badan oo soo kala gaara labada dhinac, dagaalka ayaa imaanaya xilli la guda galay xilliga Gu’ga.

Goobjoog News