Soomaalida Kenya Oo Cabsi Soo Wajahday

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa xilligaan waxaa soo food saartay cabsi aad u daran, ka dib markii ay soo bateen dadka gurayaha lagala baxo, mise Meydadkooda wadooyinka lasoo dhigo.

Shacabka Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool ayaa cabsida ugu weyn waxa ay soo wajahday ka dib markii Seddax ruux oo Soomaali ah la helay Meydadkooda, kuwaa oo horay loogala baxay guryo la sheegay in ay Nairobi ka deganaayeen.

Wariyaheena Xasan Sheekh Cumar oo ku sugan Nairobi ayaa la kumay qaar ka mid ah dadkaasi, waxaana ay u sheegeen cabsida xilligaan soo wajahday iyo heerka ay la egtahay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo illaa iyo haatan nolol iyo geeri lagu la yahay, ka dib markii guryahooda lagala baxay.

Cabsidaan ayaa la mid noqon doonta tii ay qabeen Soomaalida ku nool wadanka Koonfur Afrika oo xilli walba dhibane ah.

Dowladda Kenya ayaa laga sugayaa jawaabta kama dambeysta ah ee ay ka bixiso falalkaan ka billawday dalkeeda iyo Dadka Soomaaliyeed ee sida gaarka ah loo dilayo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW