U bood dhigaalka

Soomaalida Koonfur Afrika oo bilaabay qaadashada kaararka aqoonsiga qaxootinimo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Soomaalida ku sugan Dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabay qaadashada Kaararka aqoonsiga Qaxootinimo ee Dalkaasi ka dib markii isbedel lagu sameyay Hogaanka Socdaalka iyo Jinssiyadaha Dalka Koonfur Afrika.

Boqolaal Soomaali ah ayaa Maalin kasta gaara Waaxda Jinsiyadaha Dalkaasi si ay u qaataan kaararkan oo   muhiim u ah Soomaalida halkaasi ku nool.

Qaarkood Soomaalida waxa ay sheegeen in tani suurta galin ka dhigi karto in ay u safraan dalalka deriska la ah Koonfur Afrika.

Wariye Maxamed Bagaf oo dalkaasi ku sugan ayaa sheegay in qeybinta tani ay ahmiyad gaar ah leedahay Soomaalida ku sugan dalkaasi, waxaana ay u sahlaysaa in meelo kale ay u safraan.

Dadkii ugu badnaa ayaa lasoo sheegayaa inay ku sugan yihiin halka kaararkaan lagu bixinaayo, waxaana ku jira Soomaali aad u badan, waayo waxaa hadda meesha ka baxay lacagihii laaluushka ku bixi jiray.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News