U bood dhigaalka

Soomaalida Koonfur Afrika Oo Maanta Aan Ciidin Balse Afuran

Sheeko:Dalka

Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Cape Town ayaan maanta ciidin, xilli ay Afuran yihiin.

Cabdifitaax Ismaaciil Maxamed iyo Axmed Daa’uud oo ku sugan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in maanta aysan soomaneen, sidoo kalena aysan ciideyn.

Sababta arintaasi ka dambeysay ayeey ku sheegeen in ay war ka heleen jaaliyadda Muslimiinta magaaladaasi, taasi oo loogu sheegay in maalinta berri ah la tukan doono, sidaa darteed ay wanaagsan tahay in ay isku mowqif ahaadaan oo Salaadda wada Tukadaan Hal Maalin.

Soomaalida ayaa sidaasi ka aqbalay Jaaliyadda, balse ma soomana oo waxa ay yihiin kuwo sugaya Salaadda in Berri ay Tukadaan, iyadoo maantana aysan soon u ahayn.

Goobjoog News