U bood dhigaalka

Soomaalida Ku dhaqan Xeryaha Dalka Kenya Oo Isku Diyaarinaya In Dib Ay Ugu Soo Labtaan Dalkooda

Sheeko:Dalka

qaxSoomaalida ku sugan Xeryaha Qaxooti ee ku yaalada dalka Kenya, qaarkood ayaa xilligaan waxay isku diyaarinayaan in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, ka dib markii loo sheegay in cid walba oo diyaar u ah in lasoo celiyo laga saacidi doono arintaasi.

Waxaa xafiisyo ku shaqo leh in laga diiwaangaliyo dadka doonaya inay soo laabtaan laga furay xeryaha ay ku nool yihiin ee dalkaasi, waxaana la arkayaa Soomaali badan oo is diiwaan gelinaysa

Mudadii ay dalka uu ka socday dagaalada waxaa jiray dad badan oo halkaasi gaaray, waxaana dadka qaar laga qaaday xeryahaan oo loo qaaday dalalka dibadaha ah, halka kuwo kalen aya la qabsadeen nolosha meeshaasi.

Caruurta ayaa helay waxbarasho, waxaana jira dhalinyaro badan oo ka faa’ideystay mudaduu halkaasi ay joogeen in ay wax bartaan.

Dadkii ugu horeeyay ee lasoo celiyo tiro ahaan waxay gaarayaan 100, waxaana la keenay degmada Dhuubleey ee gobalka Jubada Hoose, iyadoo soo celinta dadkaanay iska kaashanayaanUNHCR iyo dowladda Kenya.

Goobjoog News