U bood dhigaalka

Soomaalida Ku Nool Kenya Oo Soo Dhaweeysay Xayiraaddii Laga Qaaday Xawaaladaha

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga wadanka Kenya ayaa si buuxda u soo dhoweeyay dib u furista xawaaladaha Soomaalida ee dalkaasi.

Dadkaan ayaa sheegay in ay la mid ahayd furista Xawaaladaha Nabar ku taagnaa oo laga daweeyay, islamarkaana ay aad usoo dhaweynayaan go’aankii Madaxweynaha Kenya uu ku fasaxay Xawaaladahaasi.

“Dadka aad bay ugu farxeen, maxaa yeelay waxay nala noqotay ciid oo kale sababtoo ah anaga oo qaxooti ah dan ayaan ku qabnay, hadii la xirayna dhibaato ayaan la kulannay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xeryahaasi.

“Aniga waxaan ka mid ahay ganacsatada Xagar dheer waxaan qarashkeena ku diraynay Xawaaladaha si aan magaalooyinka kale uga soo adeeganno, waxayna taasi keentay culeys badan oo xitaa dalab ayaan keeni weynay”

Dadkaan ayaa si wadajir ah waxa ay ugu mahadceliyeen madaxweynaha dalka Kenya, oo sheegay maadaama lagu guda jiro bisha Ramadaan in ay xayiraadii ka qaadeen Xawaalada Soomaaliyeed oo wax dambi ah lagu waayay.

Goobjoog News