U bood dhigaalka

Soomaalida ku nool Koonfur Afrika oo ay soo wajahday baqdin amaan xumo

Sheeko:Dalka

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa Dalka koofur Africa ka dhacay dilal iyo boob loo gaystay muwaadiniin somaliyeed .

Dilalkani badidood waxaa fuliyay kooxo burcad ah kuwaas oo waxyeeleeya ganacsatada ku nool dalkaas oo Soomaalidu qayb ka tahay.

Wararka ka imaanaya dalka Koofur Africa ayaa sheegaya in tacadiyada loo gaysto Soomaalida dalkaasi ku nool ay sii kordhayso , gaar ahaan kuwa uga nool dalkaasi degaanada ka baxsan Magaalooyinka waawayn ee dalkaasi .

Waxaa kaloo dhibaato iyaguna ku nool dadka kale ee aan Soomaalida ahayn ee waddankaasi ku nool kana shaqaysta oo mararka qaar iyaguna la kulma dhibaatooyinka boobka iyo dilka bareerka ah kaas oo ku salaysan isir nacayb sida lagu eedeyo kooxaha burcadda ah ee dadka booba.