U bood dhigaalka

Soomaalida Ku Nool Xeryaha Dhadhaab Oo Ka Hadlay Go’aankii Kenya Uga Laabtay Xirista Xeryahaasi

Sheeko:Dalka

Soomaalida qaxootiga ku ah xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa ka hadlay go’aankii maxkamadda sare ee dalkaasi ay ku diiddey xirista xeryahaasi, xilli dad badan oo Soomaaliyeed ay dib ugu soo laabteen dalkooda.

Qaarkood dadkaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in go’aankaasi lala soo raagey, islamarkaana markaan ay doonayaan iney dalkooda aadaan.

Waxay sheegeen in dalkooda uu waa cusub u baryey, islamarkaana diyaar u yihiin in dib u dhiska dalkooda ka qeybqaataan, inta ku hartay Dhadhaabna ay dalkooda sidii ay ku aadi lahaayeen qorsheynayaan.

“Magaceygu waa Sheekh Maxamuud Xaaji Axmed, waxay ila tahay in maxkamadda Kenya ay kasoo raagtey arrinta, markii aan dalkeenna aadeyno miyeey leeyihiin jooga, dadkeeni badi wey laabteen, annagana waan laaban doonnaa, shalayba Kenya baxa ayeey na tiri, dowlad cusub baa dalkeennii ka dhalatay, sidoo kalena waa cusub ayaa inoo baryey, wax dan ah inoogu jirto inaan qaxooti sii ahaanno ma jirto, sharafteenna waxay ku jirtaa inaan ka qeybqaadanno waaga cusub ee baryey”

“Magaceyso waa Maxamed Cabdi Xasan, dadkii wey noqdeen waxyar baa soo haray inta kalena laabtooda Soomaaliya bay jirtaa, waxaa na gashay rajo ah in dalkeenna uu hagaagayo”

“Magaceygu waa Faadumo Maxamed Cali, maxkamadda sare ee Kenya wey kasoo daahday go’aankeedda, inta badan dadkii Soomaaliyeed wey laabteen, kuwa kalena wey diyaarsan yihiin in dalkooda ku laabtaan, marka annaga dalkeenna ayaaba inoo baahan”

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa Khamiistii kahor timid go’aankii wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ee lagu xirayo xeryaha Dhadhaab.

Goobjoog News