U bood dhigaalka

Soomaalida Mareykanka Oo Ka Walaacsan Guusha Donald Trump

Sheeko:Dalka

Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa aad waxay walaac uga muujiyeen guushii  uu shalay gaarey Donald Trump oo ka socdey xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi.

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka waxay sheegeen iney aad uga xunyihiin guusha Trump oo ay sheegeen iney u arkaan shaqsi cunsuri ah.

Waxay tilmaameen iyaga iyo sidoo kale dadka kale dadka aan asal ahaan u dhalan dalkaasi sameyn doonaan dibadbaxyo ay ku muujinayaan sidey uga xunyihiin guusha Donald Trump.

Madaxweynaha la doortey ee Mareykanka Donald Trump ayaa intii uu ku jirey ololaha doorashadiisa wuxuu sheegay in Soomaalida ku nool Mareykanka ay yihiin kuwo aan aqoon lahayn, islamarkaana u badan iney ku biiraan Daacish.

Sidoo kale Donald Trump ayaa sheegay in markii uu guuleysto uu sida ugu dhaqsiyaha badan Mareykanka uga saari doono soogalootiga aan haysan sharciga.

Goobjoog News