U bood dhigaalka

Soomaalida Qaxootiga Ku Ah Dalka Kenya Oo Aragti Kala Duwan Ka Bixiyay Xilka Ra’iisul Wasaare Ee Loo Magacaabay Cumar Cabdirashiid (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Cumar CabdirishiidQaar ka mid ah Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Kenya ayaa aragti kala duwan ka dhiibtay xilka Ra’iisul wasaare ee dhawaan loo magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Wariyaha Goobjoog Fm, Cabdisamad Cali Xaliye oo ku sugan gobalka Waqooyi Bari Kenya ayaa cod baahiyaha la dhex qaaday qaar ka mid ah bulshada ku nool Xerada qaxootiga ee Dhadhaab, kuwaa oo aragtidooda ku cabiray Ra’iisul wasaaraha cusub.

Dadka qaar ayaa sheegay in ay ku haminayaan in dalka Isbedal uu u keeno Cumar Cabdirashiid, iyaga oo tilmaamay in xilkaan uu horay usoo qabtay, wax walba oo dhibayana aqoon buuxda uu u leeyahay.

Qaar kale oo dadkaan ka mid ah ayaa qaba aragti ka duwan midaasi, waxaana ay sheegeen in mudadii uu lasoo shaqeeyay dowladii KMG ahayd aanu dalka waxba ka qaban, hadana sidaasi ay la mid noqon doonto.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News