U bood dhigaalka

Soomaalida Qaxootiga Ku Ah Dalka Talyaaniga Oo Laga Deyrinayo Xaaladda Ay Ku Noolyihiin (Dhageyso Wareysi)

Sheeko:Dalka

SafaaraddaWixii ka dambeeyay bur burkii dhexe ee dalka waxaa dalka ka cararay muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaa oo noloshooda kula baxsaday meel walba oo ay u arkaan in ay amni ku heli karaan.

Dadkii dalka ka baxay ma aanay aadin Hal wadan oo qura, hase ahaatee waxa ay u amba baxeen wadamo badan oo caalamka ka mid ah, haba ugu badnaato wadamada Yurub oo qaab Tahriib ah ay ku baxeen.

Wadanka Talyaaniga ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee dadka Soomaaliyeed tahriibka u aadaan, waxaana ka sokeysa halis badan oo dhanka nolosha ah.

Markii ay dalka ka baxaan waxa ay galaan safar dheer, waxaana ilaa Liibiya ay kula kulmaan nolol adag, xitaa ay dhici karto dadkaasi qaarkood in ay dhintaan ama naafo ay noqdaan.

Meel walba oo ay tagaan lacago ayaa looga qaataa, waana halis ay dadka u bareeraan, halka ay ka qeyb qaadan lahaayeen nabadda iyo dib u dhiska dalkooda.

Badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga ayeey noloshooda halis ku geliyaan, waxaana intii badbaada hadana u dhiman nolosha dalka Talyaaniga.

Dadka badi tahriibka ku gala waxaa laga qaadaa Faro, waxaana taasi ay keentaa in hadii xitaa wadamo kale ay Soomaalidaan aadaan dib loogu soo celiyo dalka Talyaaniga.

Hadda waxaa jirta xaalad adag oo ay ku noolyihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Talyaaniga, ma haystaa Hoy wanaagsan, Cunto, iyo Caafimaad, waxaa intaasi u dheer Shaqo la’aan.

Cabdisalaan Maxamed Mureera waxa uu ka mid yahay Soomaalida Tahriibka ku galay talyaaniga, waxaana isaga oo halkaasi ku sugan Goobjoog Fm, u sheegay in dadka noloshooda ay tahay mid liidata.

Shaqooyin ayuu sheegay in mararka qaar ay soo baxaan, waana in Nadaafadda ay ka shaqeeyaan, Beeraha Falaan ama wax la mid ah.

Hadaba Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga aynu la yeelanay Cabdisalaan oo dhinaycyo badan taabanaya.

Goobjoog News