U bood dhigaalka

Soomaalida Qaxootiga Ku Ah Kenya Oo Cabanaya Xilli Maanta Ay Ku Beegan Tahay Maalinta Qaxootiga Dunida

Sheeko:Dalka

Sanad walba marka la gaaro 20-ka Juun, waxaa dunida laga xusaa maalinta qaxootiga Aduunka oo horay maalintaas oo maanta ku beegan loogu asteeyay.

Marka qofka Soomaaliga uu maqlo Qaxooti ayaa durba waxaa maankiisa kusoo dhacaya in Soomaalida ay yihiin dad u badan qaxooti tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe 1991-kii, kuwaasi oo dalal badan oo caalamka ka mid ah ku dhibban.

Meelaha dadka Soomaaliya aadeen waxaa ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya, gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya.

Dalka Kenya, gaar ahaan gobalka Waqooyi Bari Kenya waxaa ku yaalla xerada qaxootiga dunida ugu weyn ee dhadhaab ayna ku nool yihiin Soomaali badan, sidoo kale waxaa ku yaalla xerada Kaakuma oo ay ku nool yihiin dad Soomaali u badan.

Dadkaasi Soomaaliyeed ayaa waxay la kulmaan caga jugleen ay kala kulmaan dowladda Kenya, cunno yari iyo caafimaad darri aad u baahsan.

Hadaba iyadoo maanta la xusayo maalinta qaxootiga aduunka 20-ka Juun, ayaa dadka ku nool xeryaha dhadhaab ee Soomaalida ah waxa ay ka cabanayaan in sanadkaan uu yahay kii ugu darnaa, maadaama hay’adda WFP ay dhintay cuntadii xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

“Aniga kaarkaygu waa 11-le, dibadna qof iima jirto, kaarkayga waxaa ka go’aysa dhowr iyo Labaatan Kiilo, mana u dulqaadan karno maxaa yeelay anaga ma shaqeyno, dhibaato xoogan ayaan ku qabnaa raashiinkaasi la dhimay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Odayaasha ku dhaqan xeryahaasi oo u waramay Goobjoog News.

“Anigoo Ah Xaliimo Cabdullaahi Cabdi waxaan u arkaa in raashiinkaan la dhimay dhibaato aad u xoog badan, waxaana nala dhahay 70% ayaa la dhimayaa sidii loo baahnaa waxba uguma qabsan karno, hadda waxbarasho ma haysanno oo macalimiintii ayaa nagu yar, hadana bisha Ramadaan ayaaba la galay, waan is caawin jirnay, laakiinse maxaan is caawinaa anagii oo dhan ayaa isku mid noqonnay”

Dhinaca kale Haweenka haysta caruurta agoonta ayaa dhibaatada ugu daran ay xilligaan haysataa, waayo ma hayaan shaqo sidoo kalena waxaa la dhimay raashiinkii la siinayay, sidoo kalena caruurta ma haystaan waxbarasho, iyadoo ay taasi sii dheertahay hoy la’aan, maadaama bicihii iyo Teendhooyinkii ay ku dhamaadeen Cadceeda.

Dadkaan ayaa si wadajir ah waxa ay uga dalbadeen hay’adda WFP in ay ka laabato qorshaha lagu dhimay raashiinka dadkaasi la siinayay, maadaama weli xaalad isku filnaansho ah aysan gaarin dadkaasi.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in Xerada dhadhaab ay tahay meel laga soo abaabulo weerarada argagaxisada ah, islamarkaana ay xiri doonto, inkastoo hadane wada hadal kale laga galay arintaasi.

Xasan Sheekh Cumar

Goobjoog News

Nairobi Kenya