U bood dhigaalka

Soomaalida Yemen Oo Xaalad Halis Ah Ku Jira

Sheeko:Dalka

Dadkii dhawaan dib uga soo laabtay dalka Yeman ee soo gaaray Dalka, ayaa sheegay in Soomaalida ku nool Dalkaasi  halis ay ugu jiraan in dilal ay  kala kulmaan dhinacyada isku haya Dalkaasi, xaaladoodana ay tahay mid halis ah.

Qaarkood oo Goobjoog News ay wareystay waxa ay sheegeen in Dadka Soomaaliyeed aysan samayn karin wax dhaq dhaqaaqa ah sida ku hadalka Telefoonka iyo dukaamaysiga

Dad badan oo Soomaaliyeed ayay ku waramayaan Soomaalidan dib ugu soo laabtay dalka in  dhibaato weyn ay kala kulmaan Xutiyiinta gacanta ku haya meelo badan oo dalkaasi ka mid ah.

“Soomaalida Yemen wey ku dhiban yihiin haloo gurmado oo wax haloo qabto, waa la dhibaa, naftooda ayeey u baqayaan, wadankaasi waxaa ka socda dagaal, maanta ayaa gurmad loo baahan yahay” mid ka mid ah dadka kasoo laabtay Yemen ayaa sidaasi yiri.

Dhinaca kale waxa jira dad badan oo Soomaaliyeed oo ehladooda ku sugan dalka Yeman ay ka walacsan xaaladooda iyo waxa ay ku danbeyn doonaan

Waxay inoo sheegeen in dadkooda qaarkood aysan wax taleefan ah oo lagala xiriiro ka hayn, sidoo kalena aysan jirin meel ay kala socdaan dadkooda.

Yemen waxaa ka socda dagaallo xoogan, kuwaasi oo saameyn ballaaran ku yeeshay Soomaali halkaasi qaxooti ahaan ugu joogtay, mana jirto gurmad rasmi ah oo dadkaasi loo fidiyay.

Goobjoog News