U bood dhigaalka

Soomaalida Yemen Oo Xaalad Adag Soo Wajahday

Sheeko:Dalka

Guddiga ku howlan diiwaan geilinta dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen islamarkaan doonaya in dalkooda ay kusoo laabtaan ayaa sheegay in xaalad aan fiicnayn ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi.

Cabdiqaadir Cali oo xubin ka ah guddigaan ayaa sheegay in dad badan ay diiwaangeliyeen balse dowladda aysan weli dadkaasi u dirin Maraakiib lagu soo qaado.

Xaaladda nolosha ee dadkaasi ayaa aad u adag dadka qaarna waxaa saameyn ballaaran ku yeeshay dagaallada ka soconaya wadanka Yemen.

“Xaaladda dadka aad ayeey u liidataa ma haystaan wax ay cunaan ama ay cabaan, habeen iyo maalin dadka weyn inoo imaanayaa si aynu ugu sheegnowax rajo ah ama maraakiib dowladdu soo dirtay, laakiinse hadda ma jiraan wax ay dowladda halkaan usoo dirtay” ayuu yir Cabdiqaadir Cali.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa inoo sheegay in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qaba, islamarkaana aan haysan meelo lagu daweeyo, xilligaan aan jirin wado ugu haboon oo loogu soo qaadi karo dalka.

Dagaallada Yemen

Yemen waxaa ka soconaya dagaallo u dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta iyo isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudiga, iyaga oo doonaya in ay difaacaan dowladda caalamka aqoonsan yahay ee dalka Yemen.

Inta dagaalladaan ay socdeen waxa ay waxyeelo kasoo gaartay dad badan oo Soomaali ay ku jiraan, waxaana illaa io haatan aan jirin gurmad rasmi ah oo dadkani ay heleen.

Balaqan qaadka dowladda ee Qaxootiga Yemen

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay sheegtay in maraakiib ay u direyso Yemen si ay usoo qaadaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhiban dalka Yemen, mana jirto illaa iyo haatan wax markab ah oo dowladda ay dirtay.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News, waxa uu ku sheegay in Markab ay dowladda dirtay ku xiran yahay Yemen, Laba Markab kalena ay halkaasi u dirayaan, hase ahaatee weli ma muuqato wax markab ah oo dowladda Federaalka halkaasi u dirtay.

Goobjoog News