Soomaalidii Ugu Badneyd Oo Lagu Xiray Dalka Angola (Dhageyso)

AngolaCiidamada Booliiska dalka Angola ayaa xabsiga dhigay dad badan oo Ajaaniib ah, islamarkaana ay ku jiraan Soomaali badan, kuwaa oo badi lagala baxay guryahooda iyo Masaajida.

Axmed Nuur Xirsi oo ka mid ah Soomaalida dalka Angola ku nool ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in maalintii shalay ahayd ay ciidamada kusoo yaaceen xaafad ay Soomaali iyo Dad ajaaniib ah ay degan yihiin, iyaga oo gaadiid shabaqle ah lagu xaabiyay.

Dadka qaar ayuu sheegay markii la xaqiijiyo sharcigooda in lasii deynayo, balse kuwa aan haysan sharciga xabsiga lagu sii haynayo. waxaana Soomaalida La xiray ay ka badan yihiin 200 qof.

Axmed ayaa sheegay in Sanad walba xilligaan oo kale in sidaan ay ciidamada Angola sameeyaan, ayna u sababeynayaan dhalashada sanadka cusub oo soo dhaw.

Dadka la xiray waxaa ku jira Haween iyo caruur Soomaaliyeed, iyadoona saraakiisha Booliiska dalkaasi ay sheegayaan in cid walba oo sharci ku joogta dalkaasi la fasaxi doono.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW