U bood dhigaalka

Soomaaliya: Askar Tuuga Ah Oo Xukun Lagu Riday

Sheeko:Amniga
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun xabsi ciidan ah ku ridday laba eedeysano oo bila ka hor ka soo muuqday baraha bulshada xilli ay dhac u geysanayeen carwo lagu iibiyo qalabka Elektorinikiska .
Eedeysanayaashaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Abshir Maxamed iyo Faarax Cabdullahi Calasoow ayaa ka kala tirsana ciidamada Booliiska iyo Asluubta.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in labada eedeysane ay Carwada ka dhaceen hanti gaareysa illa iyo $ 12,945 dolar.
Eedeysanayaasha ayaa ka soo hor muuqday baraha bulshada iyaga oo dhac geysanaya xilligaas oo ay duubtay muuqaal duubaha qarsoon ee loo yaqaano CCTV.
Carwada ay dhaca ka geysanayeen raggan oo hubeysana ayaa waxaa ku sugna shaqsiga Carwada gadayay xilligaas oo uu mid ka mid ah eedeysanaha uu ku qabtay Biskoolad halka kan kale uu guda galey hantida in uu u soo dhaco.
Labada nin ee maxkamadda ay xukuntay ayaa mid yahay maqane halka kan kale ay ciidamada gacanta ku soo dhigeen.
Cadadka hantidi ay dhaceen
Goobjoog News