U bood dhigaalka

Soomaaliya: Hey’adda UNICEF oo Sheegtay In 1.4 Milyan Oo Caruur Ah U Baahan Yihiin Gargaar

Sheeko:Caafimaadka

Hey’adda qaramada midoobey u qaabilsan caruurta UNICEF waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ay nafaqo darro heyso in ka badan 1.4 Milyan kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah.

 

UNICEF waxaa kale oo ay leedahay dadka Soomaaliyeed waxaa ka dhamaaday xoolihii ay dhaqan jireen taas oo keentay in ay barakacayaal ku noqdaan dalka qeybo ka mid ah.

 

Hey’ddan waxaa ay qabtaa in wax laga qaban karo illa 275,000, waayo waxaa intaa raacisay in caruurta la daaweey ay 93% ka bad-baadaan xanuunada haya.

 

Peter Power oo ah agaasimaha hey’adda ayaa booqday qeybo ka mid ah waqooyiga Soomaaliya isaga oo u kuurgalay xaaladda.

Goobjoog News