U bood dhigaalka

Soomaaliya: Iran Oo Soo Dirtay Maraakiib La Dagaallama Burcad Badeedda

Sheeko:Dalka

Dowladda Iran ayaa lagu soo waramayaa in Labo markab oo dagaal u soo dirtay dhanka xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in ay la dagaallami doonaan kooxaha Burcad badeedda Soomaalida.

Maraakiibtaan waxaa la socd ciidamo badan oo Iiraaniyiin ah, waxaana dhowr bil ay ka shaqeyn doonaan biyaha caalmiga ah si ay u difaacaan maraakiibta kala duwan ee halkaasi maraysa gaar ahaan kuwa dalkooda laga leeyahay.

Sarkaal sare oo u hadlay ciidamada badda Iran ayaa sheegay in kaalin ay ka qaadan doonaan sidii looga hortagi lahaa weerarada joogatada ah ee sanadkaan qaadayaan burcad badeedda Soomaalida ah.

Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sanadkaan 2017 waxay xoojiyeen afduubka ay kula dhaqaaqayaan maraakiibta iyo sidoo kale doonyaha kala duwan ee maraya biyaha Soomaaliya.

Qaramada Midoobey waxay dhowaan ku baaqday in si degdeg ah wax looga qabto howlha burcad badeedda ay ku doonayaan iney ku waxyeeleeyan maraakiibta kala duwan.

Goobjoog News