SOOMAALIYA IYO MURANKA BIYO-XUREENKA WEBIGA NILE

Waxaa meel muhiim ah soo gaaray wadahadalladii saddex geesoodka ahaa ee u dhaxeeyaa Suudaan, Masar iyo Itoobiya, kuwaasoo ku saabsan biyo-xireenka Afrika ugu weyn ee dariskeenna Itoobiya ka dhisayso Webiga The Blue Nile. Itoobiya waxay doonaysaan biyo-xireenkaan, oo lagu magacaabo “The Ethiopian Grand Renaissance Dam”, inay ka dhaliso koronto ay u adeegsanayso dhaqaalaheeda kobcaya iyo horumarinta dadkeeda sida faraha badan u tarmaya. Biyo-xireenkaan, oo la sheegay inuu qarashkiisu gaarayo 5 bilyan oo dollar, waxa uu noqonayaa mashruuca ugu weyn koronta dhallinta ee Afrika abid laga hirgeliyo. Masar iyo Suudaan, oo ku tiirsan biyaha webiga Nile dhanka beerashada, waraabka iyo dhaqaalahaba, waxay ka cabsi qabaan in biyo-xireenka Itoobiya uu dhimayo cadadka biyihii ay horay u heli jireen, sidaas darteedna uu saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan doono nolosha dadkooda. Itoobiya waxay ku doodeysaa in mashruuceedu uusan dhibaateyn doonin dalalka webiga ku tiirsan.

Wadahallada xalka loogu doonayo muranka webiga Nile, oo lasoo billaabmay dhismaha mashruuca sanadkii 2011, ayaa marna joogsanayay, marna soconayay in kastoo weli heshiis la gaarin. Hase ahaate, maadaama dhismuhu uu idlaanayo sanadka 2020, waxaa lagama marmaan noqotay in xal laga gaaro muranka. Dawladda Maraykanka ayaa dhowaan soo dhexgashay saddexda dal, oo dhex-dhexaadin u billoowday, waxaana la rajeynayaa in heshiis dhaco horraanta sanadka soo aaddan. Haddaba, Dawladda Soomaaliya waxaan u soo jeedinayaa inay wadaxaajoodkaas qeyb ka ahaato, tusaale ahaan korjooge. Maadaama Soomaaliya tahay dal qeyb weyn, oo dhulbeereedkiisa ah, uu ku tiirsanyahay webiyada kasoo billaabma buuraha Itoobiya, waa muhiim inay arrintaan si dhow ula socoto, aragtideena ku biiriso haddii/markii loo baahdo.

Waxaa xusid mudan laga soo billaabo toddobaatameeyadii in Dawladda Masar ay horjoogsatay dhowr hindise, oo Itoobiya ku dooneysay inay biyo-xireen uga dhisto Webiga The Blue Nile, oo kasoo billaabma dhulka buuraleyda Itoobiya (the Ethiopian Highlands). Hase ahaatee, Itoobiya waxay ka faa’iidaysatay dhacdooyinkii Gu’ii Carabta, kaasoo saameeyay Masar iyo Suudaan ba. Labaduba waxay ka warheleen ku dhawaaqidda masruuca biyo-xireenka ayagoo arrimahooda gudaha ku masquulsan, diblumaasiyad ahaan na aan diyaarsaneyn. Itoobiya, waxaa aad usii caawiyay af gambigii ciidanka Masar uu awoodda kaga tuuray Muxammad Mursi, sababay na in Midowga Afrika uu xubinnimadii Masar hakiyo. Mashquulka gudaha iyo kala daadsanaanta diblumaasiyadeed ee Masar waxay keentay in Itoobiya dhisto biyo-xireenkaas ay dooneyso inay ku horumariso dhaqaalaheeda kobcaya iyo tirada dadkeeda sida xad dhaafka u kordhaya. Shacabka Itoobiya haatan waa 100 milyan qiyaastii. Sanadka 2050 (yacni 30 sano gudahood) waxaa la filayaa inuu gaaro 188 milyan, taasoo Itoobiya ka mid dhigeysa tobanka dal ee ugu dadka badan dunida.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Ninkii walaalkii loo xiirayoow, adna soo qoyso.” Soomaaliya iyo Masar, iyo Suudaan ba, waxay wadaagaan inay yihiin dalal noloshoodu, gaar ahaan waxsoosaarkoodu, ku tiirsantahay webiyada Eebbe dhulka Itoobiya ka dillaaciyay. Waxaan aamminsanahay in Webiyada Jubba iyo Shabeelle, oo inta badan beeraha Soomaaliya biyo siiya, ay Itoobiya maalin (dhowaan ama fogaan) uun leexin doonto. Haddii ay Nile leexisay kuwaan yar-yar inay leexiso cidna kama hor-istaagi karto. Balse Soomaaliya waxay awooddaa inay arrintaas u diyaar garowdo, ayadoo wax ka baranayso qadiyadda Nile.

Taladeydu ma ahan in Soomaaliya khilaafka Nile ay dhexda iskaga tuurto amaba Itoobiya kasoo horjeesato. Taladaydu waa Muqdisho korjooge haka noqoto doodaas, taasoo ka caawin doonta u diyaargarowga khilaaf kaas lamid ah mustaqbalka. Villa Somalia waa inay guddi ka kooban khubaro (biyaha iyo bey’ada) iyo diblumaasiyiin, oo murankaas iyo xalkiisa, si hoose ula socda si deg -deg ah u magacowdaa kadibna u howl gelisaa. Waan ogsoonnahay Soomaalidu muranka qeyb kama aha, balse fogaan aragnimo iyo firfircooni ayaa ka wanaagsan falcelisnimo, maadaama ay jirto suurtagalnimo uu murankaas oo kale uu kussoo foodsaari karo Soomaalida. Waxaan kale, oo aan soo jeedinayaa in suurtagalnimada Itoobiya ku leexin karto webiyada Jubba iyo Shabeelle doodo laga furo, dadweynaha lala wadaago, warbaahintuna ka hadasho.

Qeyb ka ahaanshaha wadaxaajoodka Webiga Nile waxa uu Soomaaliya fursad u siinayaa inay kasoo dhex dhalaasho amuuraha gobolka Geeska Africa diblumaasiyad ahaan. Laba kamid ah (Suudaan iyo Itoobiya) dalalka ku muransan biyaha Webiga Niile waxay ka tirsanyihiin Geeska Afrika iyo urur goboleedka IGAD, taasoo ay Soomaaliya xubin ka tahay. Soomaaliya labada dalba xariir wanaagsan, oo jaarnimo iyo siyaasad ba leh ayay la leedahay. Hoggaamiyayaalka Soomaaliya iyo Itoobiya, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysul Wasaare Abiy Axmed Cali, waxaa la rumeysanyahay inay leeyihiin xariir saaxiibnimo, oo ku qotoma aragti-wadaag ku saleysan siyaasadda iyo mustaqbalka mandiqada. Sidoo kale, Raysul Wasaaraha isbedeldoonka ah ee dalka Suudaan, mudane Cabdallaha Xamduuk, oo ku yimid kacdooon sanadkii tegay dalkaas ka dhacay, waxaa la aamminsanyahay inuu u furfuranyahay in dalalka IGAD ay muranka Webiga Nile xalkiisa kaalin ku yeeshaan. In kastoo laga yaabo in Muranka dalalka Gacanka Carabta (Qatar-Gulf Crisis) uu saameyn ku yeeshay xariirka Soomaaliya iyo Masar, haddana waxaan aamminsamnahay Masar, oo ah saaxiib soojireen Soomaaliya, inuusan dawladda Soomaaliya dalabkeeda ku gacan sayri doonin. Intaas waxaa dheer, Madaxweyne Cabdel Fitaax Al-Siisi waa guddoomiyaha ururka Midowga Afrika. Al-Siisi waxa uu bishii September ee sanadkaan isku soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta si ay muran soohdimeedka badda Soomaaliya-Kenya dhaxyaalla xal looga gaaro. Masar, Suudaan iyo Soomaaliya waxay xubni ka yihiin ururka Jaamacadda Carabta. Arrimahaan, oo idil, waxay Soomaaliya fursad u siinayaan inaysan ka maqnaan xal u helidda muranka Webiga Nile, ayadoo danteeda qaran ka eeganaysa.

Cabdinor Daahir

Goobjoog News

Related Articles

25 Comments

  1. Waan ogsoonnahay Soomaalidu muranka qeyb kama aha, balse fogaan aragnimo iyo firfircooni ayaa ka wanaagsan falcelisnimo, maadaama ay jirto suurtagalnimo uu murankaas oo kale uu kussoo foodsaari karo Soomaalida…

  2. As a class, although PDE5 inhibitors arse stretch maximal observed plasm concentrations (Cmax) in as petty as 30
    minutes, the medial multiplication to uttermost engrossment (Tmax) are 60 proceedings for sildenafil citrate and Levitra and 2
    hours for tadalafil. For avanafil, a median Tmax of 30 to 45 minutes is reported, perchance translating to
    a faster attack of action; however, the de facto clinical import has non been compulsive. https://www.lm360.us/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW