U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Eretria Oo Barbaro Ku Kala Baxay

Sheeko:Cayaaraha

Xulalka 15 Jirada Soomaaliya Iyo Eritrea ayaa kulan ciyaareed xiiso badan oo ka tirsana tartanka dhallinyarada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ee Ceacafa ku qaatay garoonka Asmara ee caasimada wadan Eritrea.

.Labada xul ayaa qeybta kowaad soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan,inkastoo aysan iska dhalin wax gool waxaana kulanka kasoo qeybgalay taageerayaal aad u badnaa.


Markii leysku soo laabtay dheesha qeybta labaad labad dhinac ayaa iska dhaliyay min gool,iyadoo ciyaarta waqtigii looga talagalay ay kusoo idlaatay barbaro 1-1 oo ay ku heshiiyeen Soomaaliy iyo Eritrea.


“Waxaan soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan,balse nasiibka ayaa noqday in aan ku dhamaysano barbar 1-1 waxaan ku faraxsanahay bandhiga aan soo bandhigay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdullahi Maxamed Aadan oo ka tirsan xulka Qaranka 15 Jirada Soomaaliya.