U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Finland oo Kala Saxiixday Heshiis Dhanka Hormarinta Deegaanka ah

Sheeko:Amniga

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa heshiis la gashay dalka Finland, kaas oo la xiriir dhanka deegaanka, kadib markii Muqdisho uu safar kusoo gaaray wafdi ka socday dalka Finland uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda  dalkaasi Mudane Pekka Haavisto iyo mas’uuliyiin kale.

Heshiiskaan ayaa waxaa uu Soomaaliya ka taageeraya  sidii loo kobcin lahaa mashruuca Soomaaliya cagaaraan, kaas oo uu daahfuray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya isaga oo sheegay in lagula dagaalayo isbedelka Cimilada iyo Xaalufka ku dhacay Dhirta, taas oo keentay musiibooyin dabiici ah oo Abaaruhu ku jiraan.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Khadiija Mohamed Al-Makhsoumi ayaa Heshiis Is-afgarad ah la saxiixatay Dowladda Finland ayaa sheegay in heshiiska dowladda Finland lala galay uu yahay mid wax badan ka taraya ka jawaabista  arrimaha deegaanka iyo isbedelka.

“Sida tan Waxay ii tahay farxad inaan heshiis is-afgarad ah wada galno dalka Finland si aan uga jawaabno arrimaha deegaanka yo Isbeddelka Cimilada ee ka jira dalkeenna. Heshiiskaan wuxu xoojinayaa ka go’aanshaheenna iyo sida aan diyaar ugu nahay iskaashi caalami ah si loo gaaro hadafka guud ee ah yareynta dhibaatada deegaanka iyo cimilada” ayey tiri Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya”

Soomaaliya ayaa dhowaan waxaa looga dhawaaqay mashruuca Soomaaliya Cagaaran, taas oo looga gol leeyahay in lagu beero wax kabadan 100,000 oo Geed sida uu sheegay madaxweynaha caasimadda ayaa loo qorsheeyay 10,000, si wax looga qabto isbedelka cimilada iyo dhirta la xaalufiyay, taas oo dhalisay Roob yari iyo Abaaro.

Heshiiskaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ay ka jiraan saameynta  isbedelka cimilada, taas oo marar badan laga dareemo gudaha dalka, waxaana xilligaan siweyn gobollada dalka uga da’aya Roobka Go’ga, xilli dadka Soomaaliyeed ay saameyn ba’an kala kulmeen fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ee dalka mara.

Goobjoog News