U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiisyo Arrimo Bulsho

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaarayaasha Soomaaliya iyo Masar Xamsa Cabdi Barre iyo Mostafa Madbouly, ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar ay ku kala saxiixdeen heshiisyo si loo xoojiyo wadashaqeynta labada dowladood.

Qodobada la isku afgartay ayaa waxaa kamid ah arrimaha Ganacsiga, Maalgashiga, Waxbarashada, Caafimaadka, Xoojinta Xiriirka labada Dal, Warbaahinta iyo Amniga.

“Soomaaliya & Masar waxa ay gaareen heshiis 5 qayb ka kooban oo kor loogu qaadayo iskaashiga labada Dowladood ee dhinaca Waxbarashada, Warfaafinta, Dhaqanka, Diinta & awqaafta, in Dadweynaha Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado ay uga qaybgeli karaan tartamada qur’aanka kariimka, in la kordhiyo Ardayda deeqda Waxbarasho ka heleysa Masar, kordhinta takhasusaadka kala duwan ee u furan Ardayda Soomaaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale.

Goobjoog News