U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Malaysia oo Iska Kaashanaya Horumarinta Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Sheeko:Amniga

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaa oo uu maanta ka furmayo shirka Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Malaysia , Dr Wee Ka Siong.

Kulan  gaarka ah oo ay qaateen labada wasiir ayaa looga hadlay sida ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen adeegyada Gaadiidka iyo Duulista, iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya,  Axmed Macallin Xasan oo wasiirka ku wehlinayay safarkeeda Canada.

“ Malaysia , waa mid ka mid ah waddamada aan dooneyno iskaashi miro-dhal ah inan kala yeelano horumarinta adeegyada Gaadiidka iyo Duulista , waxaana si wadajir ah u xaqiijinay muhiimada ay labada dal arrintaa u leedahay Dr Wee Ka Siong. “ayey qoraal ku tiri  Wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal.

Waxaa ay intaa ku dartay Dawladda Malaysia inay Soomaaliya ka taageerrayso farsamada iyo khibrad -wadaag ay ku biirinayaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya. Wasiirka Gaadiidka ee Malaysia , Dr Wee Ka Siong ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay mudnaan u siinayaan iskaashiga Soomaaliya.

Magaalada Montreal ee dalka Canada, AYAA Inta uu socdo shir weynaha 41-aad ee Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO, uu ka socdo, waxaa wasiirku  kulan doceedyo la yeelan doontaa qaar ka mid ah wasiirrada , wakiillada iyo ururrada 193 waddan ee xubnaha ka ah ICAO oo ka qeybgalaya shirka.

Goobjoog News