U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Uganda oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada dalka Uganda ee Entebbe dhiggiisa Yoweri Kaguta Museven.

Labada mas’uul ayaa kawada hadlay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal, xasilloonida Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee heer Qaaradeed.

Labada Madaxweyne ayaa dhiirrigeliyey qabasoomidda Kulanka Koowaad ee Xubnaha Joogtada ah ee Guddiga Isku dhafka labada dal (JPC), kaas oo u xil-saaran kobcinta iskaashiga diboomaasiyadda iyo siyaasadda, wadashaqeynta dhanka amniga iyo ganacsiga, iyagoo soo dhaweeyey saxiixa heshiisyada Is-afgarad ee Kampala ay ku kala saxiixdeen Wasiirrada Xukuumadda Feedraalka Soomaaliya ee booqashadan ku weheliya Madaxweynaha iyo dhiggooda dalka Uganda.
Goobjoog News