U bood dhigaalka

Soomaaliya: MOU-ga Ma Ahayn Heshiis Kama Dambeys Ah Oo Makamad Meesha Ka Saaraya

Sheeko:Dalka

Qareennada Soomaaliya ayaa maanta maxkamadda cadaaladda adduunka ka horjeediyay hadallo cad cad, kalsooni iyo caddeymo adag ay ka muuqdaan, iyagoo ku dooday in Soomaaliya iyo Kenya ay horay u wada hadleen, natiijo la’aan kadibna la soo aaday maxkamadda ICJ.

Mona al-Sharmani oo ugu horeyn maxkamadda ka hor hadashay waxaa ay hor-u-dhac u sameysay sida Kenya ay ugu qaldan tahay in MOU-ga ku dheganaato, oo aaney xal rabin.

“Waxaa dooneyno waa in muranka nagala dhaxeeyo walaalaheen Kenya ee xadka badda ku saabsan in loo xalliyo si kama dambeys ah oo Cadaalad ah” sidaa waxaa tiri Mona al-Sharmani.

Prof Alain Pellet oo isna maxkamadda ka hor hadlay ayaa ku dheeraaday fasiraadda heshiiskii MOU-ga ahaa ee ay Soomaaliya iyo Kenya wada galeen 2009-kii, isagoo qodob qodob u dul istaagay.

Prof Alain Pellet waxaa uu Maxkamadda horteeda ka sheegay fasiraad ka duwan midka ay Kenya heshiiska shalay saartay, waxaa kaloo uu ka hadlay in heshiiskaas aanu qeexin in labada dhinac ama midkood uu aado maxkamadda, isagoo soo jeediyay in doodda Kenya laga dhigo mid waxbo kama jiraan ah, lana ogolaado in dacwada lagu qaado Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Paul Reichler oo isna goobta ka hadlay ayaa soo qaatay arrin dacwada dhinaca kale u rogtay, oo qareennadii ay madaxa u luxeen, qareenkan waxaa uu ku dooday in wada hadallo ay dhex mareen labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya oo waqti badan qaatay, isagoo meesha ka saaray andacoosha Kenya oo sheegaya in wada hadallada aan waqto la siin oo maxkamadda lagu soo orday.

Wada hadallada ayuu sheegay in ay ka dhaceen Nairobi bilihii March iyo July 2014-kii, waxaa kaloo uu maxkamadda ka hor sheegay in Kenya ay ka baaqatay kulankii 3aad ee xalka lagu gaari lahaa kaas oo lagu waday in August 25, 26-keeda uu ka dhaco magaalada Muqdisho balse Kenyaanka ay ka baaqasadeen imaanshiyaha iyagoo xitaa aan ka soo jawaabin warqad cabasho ah oo uu u diray wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii  Qareenkii ugu dambeeyay waxaa uu ka hadlay  dhowr arrin oo muhiim ah:

MOU-ga 2009-kii ma aheyn heshiis lagu heshiiyay in uu noqdo heshiis kama dambeys ah

MOU-ga 2009-kii ma aheyn mid lagu sheegay in aan Maxkamad kale la aadi karin inta wada hadalka socdo.

Kenya markii uu wada hadalka socday kama hadli jirin MOU, Laakin hadda ayey bilowday in ay xasuusato.

Kenya ma heyso Caddeymo iyo wax ku saabsan in heshiiska uu ka hor imaanayo imaatinka halkan.

Kenya ma rabto in laga hadlo arrin Xadeyn ku saabsan waayo dooddeeda waa mid daciif ah.

Norway waxaa ay kaalin ku leedahay Khiyaanada badda.

Warbixinta Akhri:

Dalka Norway Oo Khiyaameeyay Soomaaliya….Halkan ka akhri 

Goobjoog News