U bood dhigaalka

Soomaaliya: Mowjadda 2-aad ee COVID 19 iyo Baarista Ku Socota Wasaaradda Caafimaadka

Sheeko:Amniga

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka ay gaarayaan  1,529, oo Laga Helay: 90, deggan  Banadir: 66, Somaliland: 19, Hirshabelle: 4 iyo  Koonfur Galabeed:1

Guud ahaan dadka laga helay COVID 19 sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka waa 5,273 halka ay u dhinteen 154 qof.

Haddaba, iyada oo ay sidaa tahay ayaa dhanka kale, hanti-dhowrka guud ee qaranka, waxaa uu baaris ku bilaabay wasaaradda iyada oo wax laga weydiinayo sida loo maareeyey COVID 19.

Arrintan  ayaa sida lagu sheegay warqad ay aragtay Goobjoog News lagu sheegay in hanti-dhowrka doonayo inuu ogaado,  Lacagaha ay dowladda federaalka ah ku bixisay COVID 19, deeqaha dibadda oo isgu jira lacag, qalab iyo dawo ama raashiin iyo wax walba oo la xiriira COVID 19.

Shan bil uun ayaa laga joogaa markii saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ah maxkamad ku heshay xatooyo xoolo qaran, lagu xukumay sanado badan oo xabsi ah.

Shaqaalaha ay maxkamadda dambiga xatooyada ah ku heshay waxaa ka mid ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdullaahi Xaashi Cali,  Maxamuud Buule Maxamuud , Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, Mahdi Abshir Maxamed, Madaxa xisaabaadka ee Mashruuca Wacyigelinta Caafimaadka iyo Bashiir Cabdi Nuur oo isaguna ah Xisaabiyaha Mashruuca Duumada iyo HIV/AIDS ee wasaaradda caafimaadka.

Goobjoog News