U bood dhigaalka

Soomaaliya oo cabsi laga muujiyay in ay mar kale ku soo laabato macluushii 2011-kii

Sheeko:War

Muddo saddex sano kadib ayay  hay’adaha gargaarka cabsi baahsan ka muujiyeen inay dib u soo laabato macluushii ka taagneyd Soomaaliya. Hadalkan ayaa lagu sheegay war saxaafadeed ay maanta soo saareen urur ay ku mideysanyihiin ururada samafalka. Sagaal iyo toban hey’adood ayaa sheegay in roobkii oo soo daahay xilligii la filayay, dagaallada ka socda Soomaaliya, iyo dhibaatada dhinaca lacagihii samafalka ay galineyso xaalad naf-badbaadin ah dad ku dhaw saddex milyan oo qof.

2011-kii ayay ahayd markii lagu dhawaaqay in macluul iyo abaaro ay ka dilaaceen gudaha Soomaaliya, kuwaasoo saameeyay nolosha dad gaaraya 260,000 oo qof.

lifaaqa hoose guji (riix) si aad u aqrisato warbixintan oo dhameystiran

Consortium Press Release – Somalia Famine Anniversary July 2014