U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Dalbatay in La Baabi’iyo La Dagaalanka Burcad Badeedda Xilli Labo Doon La Badbaadiyey

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa jimcihii waxaa uu soo saaray qaraar muddo hal sano ah loogu kordhiyey hey’addaha ama guddiga qaabilsan ladagaalanka burcad badeedda, inkasta oo uu golaha leeyahay Soomaaliya raali ayey ka aheyd qaraarka hadana mas’uul u hadlay Muqdisho waxaa uu dalbaday in la baab’iyo guddigaas oo dhan, laguna badalo wax faa’ido leh.

Qaraarkan 2554, waxaa wada ogol ku ansixiyey dhammaan xubnaha golaha ammaanka oo gaaraya 15, waa muddo 12 bil ah.

Sida ka muuqata qaraarka, golaha ammaanka waxaa uu leeyahay “Qaraarka noocan oo kale ah waxaa la cusbooneysiiyaa marka ay codsato Soomaaliya”.

Laakin Danjire Abuukar Baalle, safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay oo la hadlay BBC ayaa sheegay iney dhankooda ay dalbadeen in la baabi’iyo guddiga isla markaana aan loo baahneyn maadaama sida uu sheegay aan muddooyinkii dambe la arkin wax burcad badeed ah.

Dhanka kale,  Sida uu soo diray Major Victor Gallardo, oo ka tirsan European Union Naval Force Operation ATALANTA, waxaa uu sheegayaa in saacadihii tagay ay ciidankooda ka hortageen weerar lagu qaaday labo doon,oo marayey gacanka Cadan, isla markaana ay badbaadiyeen.

Goobjoog News