U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Difaacday Xuquuqul Insaanka Itoobiya, Codeyn ayaase looga adkaaday

Sheeko:Amniga

Guddiga arrimaha xuquuqul Insaanka ee qaramada midoobey ayaa sameynaya koox soo baara tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee laga sheegayo kooxaha ka dagaalamaya waqooyiga Itoobiya.

Golaha ayaa meelmariyey qaar arrinkaas la xiriira jimcihii kadib markii ay codsadeen 50 dal, waxaa uuna guddiga baari doonaa dhammaan tacadiyada dhacay iyada oo farta lagu fiiqi-doono cidda mas’uulka ah ka aheyd.

“Xafiiskeenu waxaa soo gaaraya warbixinno lagu kalsoon karo oo muujinaya in tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka ay kooxaha geysanayaan” waxaa sidaa tiri Nada Al-nashif oo ah ku-xigeenka golaha.

21 dal ayaa ogolaaday qaraarka ay iska diideen 15 dal. Dalalka diiday qaraarka waxaa ka mid ahaa Soomaaliya, Ruushka, Shiinaha, Cameroon, Eritrea, Sudan iyo Senegal

Soomaaliya ayaa la tuhmayaa in ciidamdeeda ay garab siiyeen Abiy Axmed oo ah ra’isul wasaaraha Itoobiya, waxaana laga yaabaa in ay ka mid noqoto kooxaha tacadiyada ka geystay gudaha Itoobiya.

Geeska Afrika, maamullada Farmaajo iyo Afewerki ayaa si indho la’aan ah u taageero Abiy iyaga oo lagu eedeeyey iney ciidamo u direen halkaas.

Goobjoog News