U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ergeyga Wadahadalada Midawga Afrika Ku Tilmaantay Mid aan Dhex-dhexaad Aheyn, Xiriirna la leh Kenya

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa gudbisay qoraal ka dhan ah Ergeyga wadahadalada Midawga Afrika ee Soomaaliya John Mahama, iyado oo sheegtay in aanu dhexdhexaad aheyn, xiriirna la leeyahay hoggaanka Kenya .\

Warqad ay aragtay GOOBJOOG NEWS oo uu diray wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq loona sii mariyay safaaraddeenna Adis Ababa ayaa lagu sheegay Cabashadaan .

Qoraalka waxaa ka mid aha in Howlaha doorashada ay noqdaan mid ay Soomaalida hogaamineyso, Soomaalina leedahay, Isla markaana uu horkacayo heshiiskaas hirgelintiisa Ra’iisul wasaaraha.

Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay qadarin u heyso midawga Afrika sida ay qeyb libaax leh uga qaadato xasilinta dalka, waxaana sidoo kale la amaanay shaqada xafiiskooda ee arrimahan la xiriira.

Dowladda Soomaaliya waxa ay qoraalkeeda ku cadeysay in uu qorshaha doorashada hirgalinteeda bilawday lana balansan yahay 20 May , isla markaana faragelinta Ergayga midawga Afrika ay abuuri karto jahawareer, ugana sii dari karo xaaladda iyo Hanaanka siyaasadeed .

“Marka qof loo dhiibayo shaqadaan xasaasiga ah waa in qofka Musharaxa ah uu dhexdhexaad yahay isla markaana aanu xiriir la laheyn qeybaha gobalka “.

Dowladda Soomaaliya waxa ay wax lala yaabo ku tilmaamtay ninka ay midawga Afrika madax uga soo dhigeen wadahalada Soomaaliya uu xiriir la leeyahay hogaanka sare ee Kenya .

GoobJoog News