U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Haysa Dhabbaha Nabadda iyo Xasiloonida

Sheeko:Dalka

Konton iyo lix sano ka hor maanta, Soomaaliya ayaa xornimada ka heshay Gumaystihii. Waxay ahayd xorriyad si fiican loo kasbaday ka dib awowayaashii dalka oo si geesinimo leh ula dagaalamay awoodihii shisheeye iyaga oo  taagay calanka cad iyo buluugg aha markii ugu horreysay taasoo u taagnayd xornimo.

Halgankii ayaa keenay is-xukun, rajo iyo mustaqbal ifaya. Nasiib darro, 1991-kii dalka waxa uu maquurtay dagaal sokeeye ee daba dheeraaday iyo burburkii sharciga iyo kala dambaynta, oo lumisay riyooyinkii iyo rabitaankii xorriyad doonadii naftooda huray, una diray malaayiin Soomaali inay galaan dalalka deriska ah iyo meelo ka baxsan iyagoo qaxooti noqday.

Sanadkii 2007, si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa gashay bog cusub kadib markii Midowga Afrika uu geeyay kooxdii ugu horreeysay ee nabad ilaalineed si ay ula dagaalamaan argagixisada Al-Shabaab oo ku takrifalay xuquuqda aadanaha iyo tan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Maanta, dunida ayaa Soomaalida la wadaagaya u-dabaal degidda sanad-guuradii madax-bannaanida 56aad ee dalka, waxaan anigoo kalsooni qaba dhihi karaa, in ujeedada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ah in la wiiqo, la duleeyo, lana baabbi’yo Al-Shabaab si loo xasiliyo dalka ,inta badan waa lagu guuleystay.

AMISOM ayay u suurtagashay in ay boqolkiiba 80 ee dalka laga xoreeyo Al-Shabaab oo ay ku jiraan magaalooyinka muhiimka ah ee Soomaaliya. Tani ayaa la sameeyay iyada oo loo marayo saddex howlgallo milatari ee waaweyn kuwaas oo kala ah, Operation Eagle, Operation Indian Ocean iyo Operation Jubba Corridor. Ujeedooyinka hawlgalladan ayaa waxay ahaayeen seddax arrimood oo kala ah: in la xoreeyo magaalooyinka, in la awdo wadooyinka sahayda argagixisada u marto  iyo in laga hortago ururinta canshuurta sharci darrada ah ee ay dadweynaha baad ahaan uga qaadaan.

Al-Shabaab ayaa isagu soo uruuray aag yar ee koonfurta Soomaaliya. AMISOM waxay ku qaadi doontaa weerarkii ugu dambeeyay si loo baabi’iyo xagjiriinta isla markaana dadweynaha loogu ogolaado in ay raacdaan noloshooda si xor ah, ammaan ah, kalsooni ku jirto, ay ku raaxeystaan miraha xornimada oo ay kasbadeen 56 sano ka hor, markii calanka Soomaaliya la suray markii ugu horreysay oo astaan u ahayd dhammaadka xilligii gumeysiga.

Guulaha milateri ayaa ku qasbay Al-Shabaab in ay bedelaan qaabka ay u howlgali jireen iyagoo bilaabay dagaal aan toos ahayn, aan kala sooc lahayn isla markaana beegsanaya dadka rayidka ah, goobaha dadweynaha, goobaha ganacsiga iyo xarumaha dawladda iyagoo qaada weerarro argagax badan si ay u sammeeyaan burbur baaxad leh isla markaana u helaan sumcad. Si looga hortago caqabadan,  AMISOM ayaa ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliya si dhow ula shaqeysa si looga hortago rabshadda cadowga lana joojiyo dilalka ay wadaan.

Dib u dhiska Soomaaliya oo bilawday

Ma aha oo kaliya dhinaca milatari in aanu ka shaqaynayno, AMISOM ayaa taageero iyo dhiiri galin siinaysa hanaanka siyaasadeed ee wada hadal loo dhan yahay iyo dib u heshiisiin. Waxaa mudnaanta la siinayaa xasilinta iyo kor-u qaadida tayada hay’adaha dawladda si ay cagahooda dib uga istaagaan isla markaana hawlahooda u gutaan.

Maanta, ciidamada booliska Soomaaliyeed oo ka kooban in ka badan 5,000 oo rag iyo dumar ayaa la diiwaan galiyay, tababar la siiyay, lana qalabeeyay taageero AMISOM ay ka heleen kadib. Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa sidoo kale la xoojinayaa waxayna bilaabeen inay AMISOM kala wareegeen qaar ka mid ah masuuliyada ammaanka.

Muqdisho, oo horaan gacanta Al-Shabaab uga jirtay balse AMISOM ayaa kala wareegtay, ayaa hadda ah magaalo cammiran.  Bishii November ee la soo dhaafay , shirkadda Maraykanka ee Demographia, oo soo saarta warbixin sanadle ah ee qiimaysa horumarka deegaanada iyadoo loo marayo saadaasha dadweynaha adduunka Qaramada Midoobay 2010 – 2020′, ayaa sheegtay in Muqdisho ay gashay kaalinta labaad ee caasimadaha ugu kobaca badan ee adduunka.

Sida laga soo xigtay Demographia, Muqdisho, oo ay ku noolyihiin 2.1 malyuun qof, ayaa kobaceeda kordhayaa heerka 6.9 boqolkiiba. Waxay kobaca sabab uga dhigeen xaaladda ammaanka oo sii hagaagaysa iyo horumarka dhaqaalaha wanaagsan, oo ay keeneen soo laabashada Soomaalida ku nool qurbaha. Arrimahaan oo dhan waxaa keenay dadaalka AMISOM ee nabadda iyo xasilinta dalka.

Isla mar ahaantaana, hay’adaha kale ee muhiimka ah ee dawladda ayaa abuurmaya isla markaana saamayn ku yeelanaya nolosha dadka Soomaaliyeed. Waaxda ururinta dakhliga ayaa la aasaasay oo bilaabay cashuur uruurinta, Bangiga Dhexe ayaa wuxuu meel marinayaa tallaabooyin maaliyadeed iyo sharciyaynta dhaqaalaha. Sidoo kale waaxda socdaalka ayaa si muuqata looga dareemayaa horumarinta adeegyada. Bangiga Adduunka ayaa wakiil u magacaabay dalka Soomaaliya halka Hay’adda Lacagta Adduunka ee sanadkii hore  ay dib u-eegis ku sameysay dhaqaalaha dalka markii ugu horeysay 25 sano kadib. Sidaas darteed, ma aha la yaab in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhayo heerka boqolkiiba 5 In ka badan, taasoo sabab u ah kor u kaca dhismaha iyo waaxda adeegyada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la ogaado in guulaha ilaa iyo haatan la sameeyey aysan waxtar lahayn haddii aanan caawin Soomaaliya xiligan kala guurka siyaasadeed ee jilicsan si ay u dhisaan dal xoog badan oo ku salaysan xurmada nolosha, ixtiraamka xuquuqda aadanaha, is aqbalaad, dulqaad, wadajir iyo maamul dimoqraadi ah.

Si taas loo gaaro, AMISOM ayaa si firfircoon uga taageeraysa hey’adda sharci-dejinta iyo fulinta ee dawladda dadaalada lagu dhisayo nidaam federaal ah sida ku qeexan dastuurka dalka.

Sidaas daraadeed, maamulada federaalka mustaqbalka laga sugayo Maamulka Koonfur Galbeed ee ku-meelgaarka ah, maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba, maamulka ku-meelgaarka ah ee Galmudug iyo Puntland ayaa ilaa hadda la aasaasay. Wadahadalo ayaa weli socda si loo abuuro maamulka gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe kadibna maamulka Muqdisho ayaa la dhisi doonaa. Maamulada ku meel gaarka ah ayaa horay u dhisay baarlamaanada gobolka iyo golaha wasiirada si loo fududeeyo wada tashiga iyo ka doodista arrimaha muhiimka u ah dalka iyo gobollada iyo bixinta adeegyada dadweynaha.

Dhawaan, inta lagu guda jiray kulanka lagu qabtay magaalada Baydhabo ee Madasha Hogaanka Qaran (NLF), ayaa hoggaamiyeyaasha sare ee dalka ka wada xaajoodeen arrimaha nidaamka doorashada. Madasha waxaa lagu heshiiyay in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ka hor dhamaadka sanadka. Tani waa tallaabo dheeraad ah ee dhinaca dib u-heshiisiin qaran oo loo dhan yahay.

Marka laga reebo ansixinta jadwalka doorashada, kulanka ayaa sidoo kale la isku raacay liiska 135 oday-dhaqameedyada oo soo xuli doona kooxda doorashada si loo doorto 275 xubnaha baarlamaanka. Madaxda ayaa sidoo kale ansixiyey abuurista kooxaha farsamo, heer gobol iyo heer federaal labadaba oo diyaarin doonaa doorashada iyo in la hubiyo inaan laga leexan wakhtiga.

Tani waa horumar la taaban karo oo talaabo dheeraad ah ee dib u-heshiisiin qaran iyo dimuqraadiyad hormarsan oo loo dhan yahay.

Sidaa darted tani waa, arrinta muujinaysa in inkastoo dilal iyo baabba’ ay sameynayaan Al-Shabaab, inkastoo ay caqabado ka jiraan dalka, rajada weli waa mid wanaagsan, Soomaaliya waxay ku sugantahay waddadii soo kabashada.

Tani ma aha xiliga quursashada. Hadda waa waqtiga u dulqaadashada iyo qaadashada go’aanka adag ee baabbi’inta Al-Shabaab, in la midoobo lana taageero Soomaaliya si ay u guuleysato.

Ina keena aynu dhammaan gacmaha is qabsanno ee u hambalyeyno Soomaaliya sanad-guuradii 56aad ee madax-bannaanida.

Waxaa qoray Francisco Madeira Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.