U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Jago Fiican Ka Heshay Qaramada Midoobey

Sheeko:Amniga

Abuukar Baalle oo ah safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa loo doortay inuu guddoomiye ku-xigeen ka noqdo kulanka 75-aad ee jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa.

Mas’uuliyiinta Soomaalida ah ee horay usoo noqotay:

1963-64 H.E. Hassan N. Elmi 1979-1980 H.E. Abdirisak H.

Hussen/H.E. Ahmed M. Adan”Qaybe” 1986-87 H.E. Abdullahi S. Osman Abuukar Baalle, haddii uu Guddoomiyaha maqan yahay ayuu qaban-doonaa:

  1. Waxaa uu guddoominayaa fadhiga.
  2. Fadhiyada isaga ayaa furaya oo hadana xiraya.
  3. Waxaa uu maamulayaa doodaha socda.
  4. Dadka ayuu hadalka u qeybinayaa.
  5. Waxaa uu xirayaa liiska inta hadleysa.
  6. Waxaa uu shaacinayaa waqtiga la hadli karo.
  7. Cod ayuu gelinayaa haddii codeyn jirto.
  8. Go’aannada soo baxa ayuu ku dhawaaqayaa.
  9. Inta jeer ee mas’uul dowlad matalo uu hadli karo ayuu xadidaa.
  10. Waxaa uu dib dhigi karaa kulanka ama xeri karaa
  11. Waxaa uu laali karaa kulanka ama joojin karaa.