Soomaaliya Oo Ka Baxday Shir Madaxeedka Carabta Iyo Afrika

Soomaaliya iyo dalal badan oo carab ah ayaa ka baxay shir madaxeedka Carabta iyo Afrika ee ka socday Malabo ee caasimadda Geni.

Carabta waxaa ay ka gadoodeen kadib markii shirka lagu casuumay jabhadda Polisario ee la dagaalanka Marorko, taasi oo dooneysa in ay gooni u go’do.

Dalalka ka baxay, waxaa ka mid ah: Soomaaliya, Sacuudiga, Imaaraadka, baxreyn. Qatar, Cammaan, Urdun iyo Yemen, dalalkaas oo dhammaantood saameyn ku leh shirka

Tilaabadan ayaa imaaneysa todobaadyo uun kadib markii Maroko sheegtay in ay dib ugu laaban doonto Midowga Afrika.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW